“Barcelona way ku qaldantay Suarez… waana ceeb inuu Ramos ka tago Real Madrid.” – Diego Forlán

(Madrid) 03 Feb 2021.  Weeraryahankii hore kooxaha Manchester United iyo Atletico Madrid ee Diego Forlán ayaa xaqiijiyay in Barcelona ay ku qaldaneyd markii ay u ogolaatay in Luis Suarez uu u wareego Rojiblancos.

Barcelona ayaa go’aansatay inay joojiso qandaraaska weeraryahankeeda reer Uruguay ee Luis Suarez xagaagii lasoo dhaafay, wuxuuna u dhaqaaqay kooxda Atletico Madrid, isaga oo u horseeday inay hoggaanka u qabtaan horyaalka La Liga, sidoo kale wuxuu hoggaaminayaa gooldhalinta.

Haddaba wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Diego Forlán, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waa inay isweydiiyaan, maxaa loo qaatay go’aanka noocaas ah.”

“Xitaa kuwa aan waxba ka aqoon kubadda cagta way ogyihiin inuu Suarez yahay gooldhaliye weyn, waana macquul in qaab ciyaareed fiican uu ku soo bandhigo Atletico.”

Intaas kaddib Weeraryahankii hore kooxaha Manchester United iyo Atletico Madrid ee Diego Forlán ayaa ka hadlay wararka Sergio Ramos la xiriirinaya inuu ka tagayo Real Madrid wuxuuna yiri:

“Real Madrid waa inay cusbooneysiisaa, ceeb ayeey ku tahay in ciyaaryahan isaga oo kale ah uu u dhaqaaqo meel kale, waa ciyaaryahan sameeya isbedel.”

“Real Madridna ma ahan inay sameyso qaladkii Barcelona ee Luis Suarez, laakiin wadahadalada waa inay labada dhinacba ogolaadaan.”

“Waa muhiim inaad haysato laacib sida Ramos, Cristiano Ronaldo ama Lionel Messi”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close