Ronald Koeman oo si RASMI ah u shaaciyey liiska xiddigaha kooxdiisa Barcelona uga qeyb galaya kulanka adag ee Athletic Bilbao

(Barcelona) 31 Jan 2021. Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qeyb galaya kulanka adag Athletic Bilbao ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku soo dhoweynaysa kooxda kubadda cagta ee Athletic Bilbao, waxaana liiska uu ku dhawaaqay macallin Ronald Koeman hoggaanka u haya kabtan kabtanka kooxda ee Lionel Messi.

Gerard Piqué iyo Ansu Fati, ayaa wali sii maqnaanaya sababo la xiriira dhaawacyo ay qabaan, halka Sergiño Dest uu isna ku maqan yahay dhaawac dhanka muruqa ah, laakiin taasi badelkeeda waxaa liiskan dib ugu soo laabtay xiddiga reer Spain ee Sergi Roberto.

Haddba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Barcelona ee uu ku dhawaaqay tababare Ronald Koeman kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka adag Athletic Bilbao ee horyaalka La Liga:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close