Muxuu Thomas Tuchel ka yiri kaddib guushii ay Chelsea ka gaartay kooxda Burnley??

(London) 31 Jan 2021. Tababaraha reer Germany iyo kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel, ayaa ka hadlay guushii ay ka gaareen naadiga Burnley.

Chelsea oo garoonkeeda Stamford Bridge guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Burnley, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee  ee horyaalka Premier League.

Thomas Tuchel ayaa dhaleeceeyay qaab ciyaareedka kooxdiisa Chelsea, isagoo cadeeyay in Chelsea ay ka maqneyd taabashada ugu dambeysa ee goolka Burnley.

Ciyaarta kaddib ayuu macalinka cusub kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel la hadlay warbaahinta wuxuuna yiri:

“Waxaan la dhibtoonay taabashada ugu dambeysa ee dhanka goolka ah, mana aanan u dhameystirin kubaddaha sidii la rabay.”

“Laakiin ugu dambeyntii, dhib malahan waxaa dhacay wax badan, waxa ugu muhiimsan waa guusha iyo seddexda dhibcood.”

“Timo wuxuu la dhibtoonayaa kalsooni daro, laakiin ma ahan weeraryahanka kaliya aduunka kaasoo dareensan dareen xasaasi ah oo saameyn ku leh waxqabadkiisa illaa heer uusan goolal dhalinin.”

“Dabcan, ma jiro isku duubni ama ereyo diiran oo sare u qaadaya kalsooni la’aanta goolal dhalinta, laakiin waxaan ku faraxsanahay shaqada uu kooxda u hayo.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close