Chelsea oo garoonkeeda Stamford Bridge guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Burnley… +SAWIRRO

(London) 31 Jan 2021. Chelsea oo garoonkeeda Stamford Bridge guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Burnley, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee  ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea.

Daqiiqadii 40-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay kabtanka kooxda ee Cesar Azpilicueta, oo caawin ka helay saaxiibkiis Callum Hudson-Odoi.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

84 daqiiqo marka ay dheeshu mareysay Marcos Alonso ayaa ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea, kaddib markii uu caawun ka helay Christian Pulisic.

Balse ugu dambeyntuu ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay Chelsea kaga adkaatay kooxda Burnley oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge, Blues ayaa haatan ku jirta booska 7-aad ee dhanka kala sareynta horyaalka.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close