Man City oo guul ay u baahneyd kaga gaartay kooxda Sheffield United garoonkeeda Etihad… +SAWIRRO

(Manchester) 30 Jan 2021. Manchester City ayaa guul ay u baahneyd kaga gaartay kooxda Sheffield United garoonkeeda Etihad, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hare ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa Manchester City.

Daqiiqadii 9-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Gabriel Jesus, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Ferran Torres.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii dheesha ayaa ku soo dhamaatay 1-0 ay Manchester City kaga adkaatay kooxda Sheffield United oo marti ugu aheyd garoonka Etihad, City ayaana haatan 4 dhibcood kaga hoggaamineysa kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Man United.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close