Inter Milan oo garoonkeeda Giuseppe Meazza guul weyn kaga gaartay kooxda Benevento… +SAWIRRO

(Milano) 31 Jan 2021. Inter Milan ayaa garoonkeeda Giuseppe Meazza guul weyn kaga gaartay kooxda Benevento, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Inter Milan.

Daqiiqadii 7-aad Inter Milan ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu gool iska dhaliyay xiddigaha kooxda Benevento ee Riccardo Improta, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 1-0.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

57 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Inter Milan ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee dheesha, kaddib markii uu 2-0 ka dhigay xiddigooda Lautaro Martinez.

Daqiiqadii 67-aad Romelu Lukaku oo caawin ka helay saaxiibkiis Lautaro Martinez ayaa dheesha ka dhigay 3-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Inter Milan.

79 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Inter Milan ayaa niyadjabisay kooxda Benevento, kaddib markii uu Romelu Lukaku dheesha ka dhigay 4-0, waxaana goolkan ka caawiyay Alexis Sanchez.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4-0 ay kaga adkaatay Inter Milan kooxda Benevento oo marti ugu aheyd garoonka Giuseppe Meazza.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close