Horudhac: Sampdoria vs Juventus… (Kaddib saddex guul oo ay muddo isbuuc ah ku gaareen, kooxda difaacanaysa horyaalka Serie A oo u safreysa Blucerchiati)

(Sampdoria) 30 Jan 2021. Kaddib saddex guul oo ay ku garaaceen muddo hal todobaad ah kooxda difaacanaysa horyaalka Serie A ayaa qeybta labaad ee horyaalka xilli ciyaareedkan waxa ay u safreysaa naadiga Sampdoria.

Kulankan oo ka dhacaya fiidnimada caawa oo Sabti ah ayay Marwada duqda ah doonaysaa inay guulaheeda iska sii wadato marka ay halkaas ku booqanayaan kooxda lagu naynaaso Blucerchiati.

Kooxda Tababare Claudio Ranieri oo ku jirta kaalinta 10-aad ayaa isku diyaarinaysa inay soo dhoweeyaan kooxda xafidanaysa horyaalnimada Talyaaniga ee Juventus, taasoo hadda fadhisa kaalinta 5-aad ee horyaalka Serie A.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Italy – Serie A

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 8:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: Stadio Luigi Ferraris

Garsooraha: Michael Fabbri (Italy)

Wararka kooxaha:-

Kooxda Sampdoria ayaa la filayaa inay safkooda joogtada ah ku soo bilaabaan, iyadoo Adrien Silva uu khadka dhexe ku wehelin doono Albin Ekdal.

Dejan Kulusevski ayaa kaarka casaanka ah oo uu qaatay ku maqan, waana ciyaaryahanka kaliya ee laga ganaaxay Juventus isbuucaan, isagoo kula biiraya liiska maqnaanshaha kulankan Paulo Dybala.

Matthijs de Ligt iyo Federico Chiesa ayaa ku soo laaban doona safka hore ee kooxda Juventus, kaddib dhaawacyadii iyo Korona Fayras oo ay dhowaan ku maqnaayeen.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Sampdoria wax yar ayey si fiican u qabatay kulammadii ay wajaheen Juventus, iyadoo Bianconeri ay badiyay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay wajahday Sampdoria.

>- Juventus ayaa kulankan imaan doonta iyadoo wadata labo guul oo xiriir ah oo ay weliba ay shabaqooda gool ka ilaashadeen oo ay wajaheen Le Samp, isla markaana labadaas kulanba wadar ahaan dhaliyey 5-0.

>- Sampdoria ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka Serie A.

>- Kooxda Juventus ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool lix ka mid ah todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajaday Sampdoria tartammada oo dhan.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close