Horudhac: Bologna vs AC Milan… (Kooxda Stefano Pioli oo galabta iska ilaalinaysa guuldarradii saddexaad oo xiriir ah)

(Bologna) 30 Jan 2021. Inkastoo ay xilli ciyaareed heer sare ah ku raaxaysanayeen haddana kaddib todobaad niyad jab leh oo ay soo qaateen waxa ay hoggaamiyeyaasha horyaalka Serie A ee AC Milan booqan doonaan kooxda qeybaha dhexe kaga jirta horyaalka ee Bologna.

Kulankan oo ay AC Milan booqanayso Bologna ayay doonaysaa Kooxda Stefano Pioli inay iska ilaaliso inay guuldarradii saddexaad oo xiriir ah soo gaarto tartammada oo dhan, kaddib guuldarrooyin is xigay oo ay kala kulmeen Inter Milan iyo Atalanta.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Italy – Serie A

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 5:00 Galabnimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: Stadio Renato Dell’Ara

Garsooraha: Daniele Doveri (Italy)

Wararka kooxaha:-

Adama Soumaoro iyo Nicola Sansone ayaa la filayaa inay ku soo bilowdaan safka hore kulanka galabta kaddib markii ay kursiga keydka ka soo kaceen kulankii ay wajaheen Juventus.

Ante Rebic ayaa la rajaynayaa inuu ku soo bilaaban doono garabka bidix ee weerarka Rossoneri kulankan.

Xiddiga kooxda Chelsea ee amaahda ay ku soo qaateen Fikayo Tomori ayaa u safan kara Milan kulankiisii ugu horreeyey ee horyaalka Serie A, isagoo bedel u noqonaya booska uu ka dhaawacmay Simon Kjaer kulankii Coppa Italia ee Talaadadii.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- AC Milan ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool 15-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda horyaalka Serie A.

>- Kooxda AC Milan ayaa guuleysatay 10 ka mid ah 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay bannaanka ku soo ciyaartay horyaalka Serie A.

>- AC Milan ayaa guuleysatay sagaal ka mid ah 10-keedii kulan ee ay wajahday Bologna tartammada oo dhan.

>- Kooxda AC Milan ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool todobo ka mid ah siddeedeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaartay Bologna dhammaan tartammada kala duwan.

>- Bologna ayaa ku guuldarreysatay inay guuleysato sagaal ka mid ah 10-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Serie A.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close