Real Madrid oo si RASMI ah u shaacisay liiska 20-ka ciyaaryahan ee kaga qeyb galaya kulanka Levante

(Madrid) 29 Jan 2021. Real Madrid ayaa si RASMI ah u shaacisay liiska 20-ka ciyaartoyda ay ku shaqayn doonaan kulanka barri ee horyaalka La Liga ay la ciyaari doonaan naadiga Levante.

Real Madrid ayaa liiskan ay shaacisay ee  ugu qeyb galaya kulanka ay barri soo dhaweyn doonaan kooxda Levante waxaa hoggaaminaya Xiddigaha reer Belgiam ee Karim Benzema iyo Eden Hazard

Laakiin taasi badelkeeda waxaan liiskan ku soo bixin oo ka maqan 6 ciyaartooy muhiim ah, kuwaasoo kala ah Sergio Ramos, Dani Carvajal, Rodrygo, Federico Valverde, Lucas Vázquez iyo Nacho.

Dhinacaa kale Real Madrid waxaa wali ka maqan macalinkeeda reer France ee Zinedine Zidane kaasoo laga helay caabuqa Korona Fayras kaddib baaritaano lagu sameeyey.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ay kala qeyb galayso kulanka horyaalka La Liga ee kooxda Levante:-

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close