RASMI: Isku aadka siddeed dhammaadka Copa del Rey oo la shaaciyey… (Yay ku aadday Kooxda Barcelona?)

(Madrid) 29 Jan 2021. Waxaa la sameeyey isku aadka wareegga siddeed dhammaadka Copa del Rey, iyadoo la ogaaday kooxda lagu beegay naadiga Barcelona.

Tartankan waxaa isaga soo haray labada kooxood ee ka wada dhisan caasimadda Spain ee Madrid, Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Barcelona ayaa booqan doonta oo lagu beegay Granada, halka Sevilla ay ku aadday Almería.

Real Betis ayaa soo dhoweyn doonta Athletic Club, halka Villarreal ay marti u noqon doonto Levante.

Haddaba halkaan hoose ka eeg isku aadka Quarter-finalka Copa del Rey oo dhammaystiran:-

Granada vs Barcelona

Real Betis vs Athletic Club

Levante vs Villarreal

Almería vs Sevilla

Wareegga siddeed dhammaadka ayaa la ciyaari doono 2, 3 iyo 4 bisha Febraayo waxaana uu noqon doonaa qaab hal kulan ah sida ay shaacisay Jariiradda AS ee ka soo baxda dalka Spain.

Xiriirka kubadda cagta Spain ayaa ku dhawaaqi doona taariikhda iyo waqtiga saxda ah ee ciyaar kasta goor dambe caawa jimce ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close