Mourinho oo cadeeyay sababta guuldarradii niyadjabka lahayd ee Tottenham kala kulantay Liverpool

(London) 29 Jan 2021. Macalinka reer Portugal iyo kooxda Tottenham Hotspur ee Jose Mourinho ayaa muujiyay sida uu ka careeysan yahay guuldarradii niyadjabka aheyd ee ka soo gaartay Liverpool.

Liverpool ayaa guul muhiim ah ka soo heshay kooxda Tottenham oo ay ku booqatay garoonka Tottenham Hotspur Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada 20-aad ee horyaalka Premier League.

Jose Mourinho ayaa ciyaarta kaddib u sheegay warbaahinta:

“Xaqiiqdii waan niyad jabsanahay, waxaan ku guuldareysanay qaladaad shaqsiyeed.”

 ‘Wax walba waa xakameynayay kahor inta aysan dhalin goolka dhamaadka qeybtii hore.”

“Bilowgii qeybta labaad ee ciyaarta waxay dhaliyeen gool, anagana si wanaagsan ayaan uga falcelinay.”

“Waxaan isku daynay inaan soo laabano, laakiin qalad kale cusub oo aan sameynay ayaa sababay inay naga dhaliyaan gool kale oo dheeri ah.” Ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Jose Mourinho.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close