Mauricio Pochettino oo ka hadlay wararka Paris Saint-Germain la xiriirinaya Lionel Messi

(Paris) 29 Jan 2021. Tababaraha Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa ka hadlay wararka kooxdiisa PSG la xiriirinaya kabtanka Barcelona Lionel Messi.

Qandaraaska Messi ee kooxda Barcelona ayaa dhacaya bisha June ee soo socota, mana jiraan wali wax wada hadal ah ee u socda labada dhinac ee ku saabsan heshiis kordhinta.

Haddaba waxaa dhawaan jiray warar Lionel Messi la xiriirinayay kooxda reer France ee Paris Saint-Germain, si uu markale ugu garab ciyaaro saaxiibkiis Neymar Jr.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Mauricio Pochettino, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waan ixtiraamayaa ciyaartoyda ka tirsan kooxaha kale, laakiin cidna kama caban karto in koox kasta ay qabato shaqadeeda si ay u horumariso kooxdeeda.”

Mar la weydiiyay su’aal ahayd inuu jeclaan lahaa inuu arko Messi oo ku sugan Paris Saint-Germain, Pochettino ayaa ku jawaabay:

“Wax kasta oo aad dhahdo waa la fahmi doonaa, waana jeclahay waxa aan haysto. Ciyaartoyda wanaagsan waxay ku habboon yihiin horyaal kasta iyo koox kasta.”

Si kastaba ha noqotee, Lionel Messi ayaa si furan u shaaciyay inuu doonayo inuu ka tago kooxda Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkii hore, si uu u tijaabiyo loolan cusub oo banaanka ka ah horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close