Halyeey Chelsea ah oo durba ku dhaleeceeyay Thomas Tuchel qaabkii uu u maamulay kooxda kulankiisii ugu horreeyay

(London) 29 Jan 2021. Ciyaaryahankii hore kooxda Chelsea ee Tony Cascarino ayaa durba dhaleeceeyay qaabkii ay Blues uga soo muuqatay ciyaartii ugu horeysay ee uu hogaaminayay tababaraha reer Germany ee Thomas Tuchel, kaasoo kala wareegay shaqada Frank Lampard.

Chelsea ayaa xaqiijisay in Thomas Tuchel uu yahay tababaraheeda cusub ee kooxda isagoo qalinka ku duugay heshiis 18 bilood ah.

Frank Lampard ayaa si lama filaan ah shaqada laga ceyriyay Isniintii kaddib qaab ciyaareed xun oo uu soo bandhigay taasoo ka dhigtay in maamulka Chelsea ay la soo saxiixdaan Thomas Tuchel.

Chelsea ayaa barbaro goolal la’aan ah la gashay kooxda Wolves kulankii ugu horreeyay ee uu hoggaamiyo Thomas Tuchel, maalin uun kaddib markii uu la wareegay mas’uuliyada hoggaaminta Blues.

Tony Cascarino ayaa wuxuu muujiyey sida uusan u jeclaysan tababaraha reer Germany qaabka uu u maamulay kooxda kulankiisii ​​ugu horeeyay, iyo diyaar garow la’aantiisa ku aadan xulista shaxda kooxda ugu weyn.

Xiddigii hore kooxda Chelsea ee Tony Cascarino yaa yiri:

Tony Cascarino | Booking Agent | Talent Roster | MN2S

“Waan la yaabay hadaladiisa xitaa ka hor bilowga ciyaarta, wuxuu sheegay inay u badan tahay inay tahay mid ka mid ah qaababkii ugu adkaa oo ay ahayd inuu doorto, oo waxaan ka fikirayay: (Miyaadan daawanin tiro fiidiyowyo ah ka hor intaadan kooxda koowaad hogaamin? Daawo 10-kii kulan ee ugu dambeeyay, laga yaabee inay noqoto fikrad u wanaagsan shaxda, waxaan ka helay faallooyin la yaab leh, dhanka waxqabadka, waxaan necay daqiiqad kasta oo ka mid ah.”

“Gaar ahaan qeybtii hore, waan bixi karay waxaana diyaarsan karay koob shaah ah inta Chelsea ay ka bilaabaneyso inay dhaqaaqdo, waxay u badan tahay inaan helo koob shaah ah oo aan bilaabo inaan cabo, ilaa ay kooxda ka gaarto xerada ganaaxa.”

‘Waxaan daawaday kubaddo badan oo Holland ah, dhaliisha ugu weyna waxay aheyd in qof walba uu u ciyaaray si isku mid ah, kubad heysasho oo bilaa gool ah, waxaadna heysataa xaalad la mid ah tii Faransiiska 10-kii sano ee la soo dhaafay, halkaasoo ay kooxaha u ciyaarayeen sidan oo kale, haysashada kubadda oo aad rabin inaad lumiso haysashada, laakiin khatar dhab ah kugu ahayn adiga.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close