Xiddig ka tirsan Chelsea oo iska diiday kooxaha Real Madrid iyo Barcelona

(Yurub) 28 Jan 2021. Wargeysyada Spain ayaa waxay shaaca ka qaadeen in xiddiga reer Spain iyo kooxda Chelsea ee Marcos Alonso, uu go’aansaday inuu la sii joogo Blues oo uusan ka tagin muddada soo socota.

Marcos Alonso ayaa ku dhibtooday kooxda Chelsea mudadii uu joogay tababarihii hore ee Frank Lampard, waxaana adeegiisa lala xiriirinayay kooxaha reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain iyadoo aanan wax heshiis iibin ah sameynin Barcelona inaysan wax ciyaaryahan ah la  gali karin wada hadal, marka laga reebo xiisadda doorashada iyo maqnaanshaha guddiga maamulka kooxda.

Chelsea defender Marcos Alonso relishing first trip to Nou Camp | Daily  Mail Online

Dhanka kale, imaatinka Thomas Tuchel ee kooxda Chelsea, ayaa waxay ka dhigeysaa fursadaha uu heli karo Marcos Alonso inay markale noqdaan kuwo fiican, si uu ula ciyaaro kooxda.

Waxaa lagu soo waramayaa in Alonso uu qirtay sanado ka hor in riyadiisa ay aheyd inuu u ciyaaro Real Madrid, wuxuuna u dheelay kaliya hal kulan bilowgii xirfadiisa kooxda Los Blancos, hadda 30 jirkan ayaan ku laaban doonin La Liga i uu ugu ciyaaro labadan kooxood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close