Arsenal oo guul ay u qalantay ka soo gaartay kooxda Southampton oo ay ku booqatay… +SAWIRRO

(England) 27 Jan 2021. Arsenal ayaa guul ay u qalantay ka soo gaartay kooxda Southampton oo ay ku booqatay garoonka St. Mary’s, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada Isbuuca 20–aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Arsenal.

Daqiiqadii 3-aad kooxda Southampton ayaa hoggaanka u qbatay dheesha, waxaana 1-0 ka dhigay xiddigooda Stuart Armstrong, iyadoo caawinta goolkan uu lahaa James Ward-Prowse.

Laakiin 8 daqiiqo marka ay ciyaartu aheyd Arsenal ayaa dhalisay goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Nicolas Pepe, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Granit Xhaka.

39 daqiiqo marta ay ciyaarta aheyd Bukayo Saka oo caawin ka helay Alexandre Lacazette ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Arsenal, waxayna ciyaarta noqotay 1-2.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 73-aad kooxda Arsenal ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta, waxaana 1-3 ka dhigay Alexandre Lacazette, oo caawin ka helay saaxiibkiis Bukayo Saka.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-3 oo ay Arsenal kaga soo adkaatay kooxda Southampton oo ay ku booqatay garoonka St. Mary’s. Gunners ayaana haatan soo fariisatay booska 8-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League.

SAWIRRO:

Bukayo celebrates by forming a heart shape with his fingers

Thomas Partey runs at the Southampton defence

Mohamed Elneny in action against Southampton

Gabriel Martinelli in action against Southampton last time out

Nicolas Pepe celebrates against Southampton

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close