Afar ciyaaryahan iyo Madaxweyne Koox oo Shil Diyaaradeed ku geeriyooday

(Goiania) 25 Jan 2021. Afar ciyaaryahan iyo Madaxweynaha Koox ka dheesha horyaalka heerka afaraad ee dalka Brazil ayaa la soo warinayaa inay shil diyaaradeed ku geeriyoodeen.

Madaxweynaha iyo afarta ciyaartoy oo ka tirsan koox kubbadda cagta ah oo reer Brazil ah ayaa geeriyooday kaddib markii ay burburtay diyaaraddii siday iyagoo ku sii jeeday Goiania.

Palmas Futebol e Regatas oo ka tirsan heerka afaraad ee Brazil ayaa waxaa soo wajahay musiibo ka hor kulankooda Vila Nova ee Copa Verde.

Palmas ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in madaxweyne Lucas Meira, duuliye Wagner & ciyaartooyda Lucas Praxedes, Guilherme Noe, Ranule iyo Marcus Molinari aysan ka badbaadin shilka diyaaradeed oo ay dhammaantood ku geeriyoodeen.

“Xilligaan xanuunka iyo jahwareerka, naadigu wuxuu codsanayaa in loo duceeyo qoysaska, waxaana la siin doonaa taageerada lagama maarmaanka u ah iyaga, waqtiga ku habboon ee soo socda ayaana bixin doonnaa macluumaad dheeri ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wali lama oga waxa sababay shilka diyaaradda oo dhacay Axaddii 8:00 waqtiga maxalliga ah ee dalkaasi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close