Safafka rasmiga ah ee ay garoonka ku soo geli doonaan kulanka FA Cup-ka Kooxaha Chelsea iyo Luton Town oo la shaaciyey

(London) 24 Jan 2021. Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ah ee ay garoonka ku soo geli doonaan galabta kooxaha Chelsea iyo Luton Town oo ku ballansan kulan qeyb ka ah wareegga afaraad ee FA Cup-ka.

Chelsea ayaa doonaysa inay horumar ka sameyso tartankan oo ay iska xaadiriso wareegga shanaad ee FA Cup-ka, marka ay garoonkooda Stamford Bridge galabta oo Axad ah ku soo dhoweynayso naadiga Championship-ka ka socota ee Luton Town.

Macallinka Blues ee Frank Lampard ayaa safkiisa hore ku soo bilaabay wajiyo cusub isagoo 7 isbedel ku sameeyey safkiisa xiddigihii guuldarradu ka soo gaartay Leicester City.

SAFAFKA LABADA KOOXOOD OO DHAMMAYSTIRAN:-

SAFKA HORE EE CHELSEA: Arrizabalaga; James, Christensen, Zouma, Emerson; Mount, Gilmour, Ziyech, Pulisic; Abraham, Werner.

SAFKA HORE EE LUTON TOWN: Sluga; Bree, Lockyer, Rea, Bradley; Ruddock, Clark, Tunnicliffe, Dewsbury-Hall, Naismith; Cornick.

CHELSEA XI:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close