Horudhac: Elche vs Barcelona & Guud ahaan kulamada maanta iyo caawa laga ciyaari doonto horyaalka La Liga

(Elche) 24 Jan 2021. Kulammo ka tirsan horyaalka La Liga ee dalka Spain ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa, waxaana ugu madax fiiqan kulanka kooxda Barcelona ay booqanayso Elche.

Barcelona ayaa indhaha ku haysa inay gaarto guusheedii afaraad oo xiriir ah horyaalka La Liga, marka ay kulan qeyb ka ah horyaalka ee kal ciyaareedkan 2020-21 ay booqanayso Elche maqribnimada maanta oo Axad ah.

Haddii ay Catalan ay guuleysato afarteeda kulan ee ugu dambeeya horyaalka La Liga, waxa ay u dhaqaaqi doontaa kaalinta saddexaad ee kala horreynta horyaalka Spain.

Yeelkeede, Kooxda Elche oo aan guul gaarin tan iyo dhammaadkii bishii October ayaa ka mid ah saddexda kooxood ee ku jira kaalimaha loogu laabto heerka labaad ee Spain.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 06:15 Maqribnimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: Estadio Martinez Valero

Garsooraha: Valentin Pizarro (Spain)

Wararka kooxaha:-

Johan Mojica, kaasoo amaah kaga yimid Girona ayaa la filayaa inuu ku soo bilowdo garabka bidix ee daafaca Elche kulankaan.

Ivan Marcone ayaa ka soo laabto ganaax, waxaana uu soo geli doonaa khadka dhexe isagoo ka garab ciyaari doona Raul Guti.

Lucas Boye ayaa taam buuxa u ah inuu ku soo bilowdo weerarka, iyadoo ay taageeri doonaan Josan iyo Pere Milla.

Clement Lenglet ayaa dib u soo laabtay kaddib markii uu ganaax kaga maqnaa Barcelona, waxaana uu daafaca dhexe kula soo bilaaban karaa Ronald Araujo.

Sergino Dest wuxuu qabaa cabasho yar oo muruqa ah, laakiin wali waxaa la filayaa inuu ka soo muuqdo daafaca midig, Oscar Mingueza ayaana ku soo bilaaban doona haddii uusan Dest diyaar ahayn.

Lionel Messi ayaa ganaax ku maqan kulankan kaddib markii uu kaarka cas qaatay kulankii Spanish Supercopa, sidaasi darteed Martin Braithwaite ayaa weerarka kulanka maanta kula soo bilaaban doona Antoine Griezmann.

Xaqiiqooyinka Elche vs Barcelona:-

>- Barcelona ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahaday Kooxda Elche tartammada oo dhan.

>- Kooxda Barcelona ayaa guuleysatay shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Elche tartammada oo dhan.

>- Elche ayaa ku guuldarraysatay inay guul gaarto 12-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Barcelona ayaa guuleysatay afarteedii kulan ee ugu dambeysay oo ay horyaalka La Liga ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono horyaalka La Liga:-

SPAIN – LALIGA SANTANDER

04:00 Galabnimo Osasuna vs Granada

06:15 Maqribnimo Elche vs Barcelona

08:30 Habeennimo Celta Vigo vs Eibar

11:00 Habeennimo Atletico Madrid vs Valencia

FG: Dhammaan saacadaha aan kor ku soo sheegnay waa xilliga geeska Afrika ama saacadda Soomaaliya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close