Chelsea oo guul ay u qalantay ka gaartay kooxda Luton Town oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge… +SAWIRRO:

(London) 24 Jan 2021. Chelsea ayaa guul ay u qalantay ka gaartay kooxda Luton Town  oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada wareega afaraad ee tartanka FA Cup-ka.

Qeybta hore ee dheesha ayeey labada kooxood Chelsea iyo Luton Town  ku kala nasteen 2-1.

Daqiiqadii 11-aad kooxda martida loo ahaa ee Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Tammy Abraham oo caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Timo Werner.

17 daqiiqo marka ay dheeshu aheyd Tammy Abraham ayaa markale soo taabtay shabaqa kooxda Luton Town, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0, kaddib markii uu caawin cajiib ah ka helay Reece James.

Laakiin daqiiqadii 30-aad kooxda Luton Town ayaa dhalisay gool, waxaana goolkan u dhaliyay xiddigooda Jordan Clark, oo caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis James Bree.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 74-aad Tammy Abraham ayaa dhaliyay goolkiisii saddexaad ee ciyaarta wuxuuna dheesha ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea, wuxuuna caawinta goolkan ka helay Callum Hudson-Odoi.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 oo ay Chelsea kaga adkaatay kooxda Luton Town oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge, Blues ayaana sidaas ugu gudubtay wareega xiga ee tartanka FA Cup-ka.

SAWIRRO:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close