Man United oo diiday inay fasaxdo mid ka mid ah xiddigaheeda ku niyadjabsan garoonka Old Trafford

(Manchester) 23 Jan 2021. Maamulka kooxda Manchester United ayaa ku adkeystay inuu la sii jiigo mid ka mid ah xiddigaheeda, kaasoo aan boos ku filan ku heysan garoonka Old Trafford si uu kaga qeyb qaato kulamada xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Mirror” ee dalka England, kooxda Manchester United ayaa heshay dalabyo dhowr ah oo ay amaah ku bixineyso xiddiga reer Holland ee Donny van de Beek inta lagu gudi jiro bishan January.

Van de Beek ayaa ku soo biiray kooxda Manchester United xagaagii hore, isagoo kaga yimid naadiga Ajax, aduun dhan 35 million pounds, laakiin wuxuu fursad uu ku safto kulamada ka heli waayay tababare Ole Gunnar Solskjær.

Man Utd's reaction to Donny van de Beek offers proves what they think of  summer signing - Mirror Online

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in Manchester United ay iska diiday dhamaan dalabyada amaahda ah ee Donny van de Beek, tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa aaminsan inuu u baahan yahay adeega ciyaaryahan kasta ee ku sugan garoonka Old Trafford.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close