Kylian Mbappé oo niyadjabiyay kooxda Real Madrid kaddib markii uu ka hadlay mustaqbalkiisa

(Paris) 23 Jan 2021. Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé ayaa ka dhawaajiyay inuu soo dhaweynayo kordhinta qandaraas cusub uu kula sii joogayo PSG.

Kylian Mbappé ayaa heshiiska uu haatan ku joogo kooxda reer France ee Paris Saint-Germain, wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda ee 2022.

Weeraryahanka reer France ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay mustaqbalkiisa wuxuuna yiri:

“Waxaan la xaajoonayaa maamulka kooxda, waana ka fikirayaa arrintan.”

“Haddii aad saxiixdo qandaraas cusub, waxay noqon doontaa tallaabo maalgashi oo muddo dheer ah, waxaan ku dareemayaa wanaag Paris.”

“Goor dhaw waxaan qaadan doonaa go’aankeyga ugu dambeeya, xaqiiqdii haddii aan saxiixo heshiis, halkaan ayaan joogayaa.”

Dhinaca kale, Kylian Mbappé ayaa xaqiijiyay inuusan ku jirin xaalad jireed oo wanaagsan, taasoo sababtay inuusan wax gool ah dhalinin afar kulan oo isku xigta.

“Runta ayaa ah inaanan fiicneyn, waana wax dabiici ah in dadku ay weeydiiyaan sababaha arintaan, waxaana u shaqeeyaa si dhab ah sababtoo ah waan ogahay dabeecada waxyaabaha ka jira France

Hadalkan kasoo yeeray Kylian Mbappé ayaa wuxuu jahwareer gelinaya Real Madrid, kuwaas oo doonayay inay helaan adeega laacibka reer France.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close