Arsenal oo ka hartay tartanka FA Cup-ka kaddib markii ay guuldarro kala soo kulantay kooxda Southampton… +SAWIRRO

(England) 23 Jan 2021. Kooxda Arsenal ayaa gabi ahaanba isaga hartay tartanka Fa Cup-ka kaddib guul daro xanuun badan oo ay kala soo kulantay kooxda Southampton oo ay ku booqatay garoonkeeda St. Mary’s, ciyaar ka tirsaneyd kulammada wareegga afaraad ee FA Cup-ka, kulan ciyareedka labada koox ayaana ku soo dhamaaday 1-0.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Southampton.

Daqiiqadii 24-aad Southampton ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu gool iska dhaliyay daafaca kooxda Arsenal ee Gabriel Magalhães, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 1-0.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-0 oo ay Southampton kaga adkaatay kooxda Arsenal oo ku soo booqatay garoonka St. Mary’s, Southampton ayaa u gudubtay wareega xiga ee tartankan.

SAWIRRO:

Danny Ings runs with the ball.

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close