AC Milan, Inter Milan, Roma iyo Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono horyaalka Serie A

(Milan) 23 Jan 2021. Kulammo ka tirsan horyaalka Serie A ayaa lagu wadaa in maanta iyo caawa la ciyaaro, iyadoo ay dheeli doonaan Kooxaha AC Milan, Inter Milan, AS Roma iyo kuwo kale.
AC Milan vs Atalanta:-
Hoggaamiyeyaasha horyaalka Serie A ee AC Milan ayaa sugaya inay soo booqato kooxda ay dariska yihiin ee Atalanta BC maanta oo Sabti ah, waxaana Rossoneri ay doonayaa inay ku dhammaysato qeybta hore ee horyaalka iyadoo hoggaanka u haysa horyaalka Serie A.
>- AC Milan ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool 19 ka mid ah 20-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Serie A.
>- AC Milan ayaan la garaacin 29 ka mid ah 30-keedii kulan ee ugu dambeeyey ee horyaalka Serie A.
>- Atalanta ayaan la garaacin sagaalkeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Serie A.
>- Atalanta ayaan laga adkaan lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay booqatay AC Milan tartammada oo dhan.
Udinese vs Inter Milan:-
Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa booqanaysa Udinese, iyadoo doonaysa inay halkeeda ka sii waddo cadaadiska ay ku hayso hoggaamiyeyaasha horyaalka Serie A.
>- Inter Milan ayaa guuleysatay 9 ka mid ah 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Udinese tartammada oo dhan.
>- Inter Milan ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaartay Udinese dhammaan tartammada kala duwan.
>- Kooxda Inter ayaan la garaacin 14 ka mid ah 15-keedii kulan ee ugu dabeeyey oo ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda horyaalka Serie A.
>- Udinese ayaa ku guuldarreysatay inay guuleysato siddeedeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Serie A.
Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada horyaalka Serie A iyo sacadaha ay soo gelayaan galabta iyo caawa:-
05:00 Galabnimo Roma vs Spezia
08:00 Habeennimo AC Milan vs Atalanta
08:00 Habeennimo Udinese vs Inter
10:45 Habeennimo Fiorentina vs Crotone
FG: Dhammaan saacadaha aan kor ku soo sheegnay waa xilliga geeska Afrika ama saacadda Soomaaliya.
Gool FM.