Sidee ayuu Cristiano Ronaldo uga falceliyay koobkii Super Cup-ka Taliyaaniga oo ay ku guuleysatay Juventus??

(Turino) 21 Jan 2021. Cristiano Ronaldo ayaa ku hoggaamiyay kooxdiisa Juventus koobka Super Cup-ka Taliyaaniga, kaddib markii ay Napoli kaga adkaadeen 2-1 kulankii xalay ee finalka ahaa.

Bianconeri ayaa hanatay koobkii Super Cup-ka Taliyaaniga kaddib markii ay laba gool u kala dhaliyeen xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Alvaro Morata daqiiqadihii 64-aad iyo 90-aad.

Ciyaarta kaddib, Ronaldo ayaa wuxuu soo dhigay sawirradiisa isaga oo wata koobka Super Cup-ka Taliyaaniga bartiisa Instagram-ka, wuxuuna soo raacay qoraal ah:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay koobkeygii Afaraad ee dalka Talyaaniga, waan soo laabannay!.”

“Tani waa Juventus-ta aan jecelnahay, taasi waa kooxda aan ku kalsoonahay, tani waa ruuxda nagu hoggaamineysa guulaha aan dooneyno, waad mahadsantihiin dhalinyaro.”

Cristiano Ronaldo becomes highest scorer of all time with 760 goals - AS.com

Si kastaba ha noqotee, Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii ​​760-aad intii uu ku guda jiray waayihiisii kooxihii uu soo matalay iyo xulkiisa qaranka, taasoo ka dhigaysa sida ay sheegtay shabakada Squawka inuu yahay gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda kubadda cagta, wuxuuna ka sara maray Josef Bican oo u diiwaan gashan 759 gool.

Cristiano Ronaldo win Italian Super Cup 2021 in match vs Napoli - YouTube

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close