Real Madrid oo ka fikireysa mustaqbalka Zinedine Zidane kaddib markii xalay Los Blancos laga reebay Copa del Rey

(Madrid) 21 Jan 2021. Kaddib bareejooyinkii ay kooxdiisa la gashay kooxaha Elche iyo Osasuna, guuldarradii Spanish Super Cup ee ka soo gaartay Athletico Club iyo in xalay laga reebay tartanka Copa del Rey, Real Madrid ayaa dareen gaar ah u yeelatay xaaladda tababaraheeda Zinedine Zidane.

Los Blancos ayaa xalay guuldarro kala kulantay kooxda ka ciyaarta heerka saddexaad ee Alcoyano, taasoo kooxda Macallin Zidane ka reebtay Copa del Rey ciyaar la dheelay 120 daqiiqo, sidoo kalena ay casaan qabtay kooxda yar.

Guuldarradaas waxay cadaadiska ku kordhisay tababaraha Faransiiska ah, waxaana wararka ka imaanaya dalka Spain ay sheegayaan in maamulka Real Madrid ay ka arrinsanayaan shaqada macallinkooda.

Intii uu Zidane ahaa tababaraha Real Madrid waxaa tartankan ka reebay kooxaha Celta Vigo, Leganes iyo Real Sociedad, balse waxay dhammaantood ka ciyaarayeen heerka koowaad (La Liga), taasoo ka dhigan in markiisii afaraad ee tartankan laga reebana uu sababsanayo koox ka ciyaarta heerarka hoose.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa haatan lagu soo warramayaa inay shaqadiisa miiska saaran tahay, sidoo kalena lama oga go’aanka ay qaadan doonaan maamulka kooxda horyaalka difaacaneysa oo uu hor kacayo Madaxweyne Florentino Perez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close