Kaddib Dani Ceballos, Arsenal oo ku dhow inay la soo wareegto ciyaaryahan kale ee ka tirsan kooxda Real Madrid

(London) 21 Jan 2021. Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa soo wariyay in maamulka Arsenal ay doonayaan inay heshiis la galaan ciyaaryahanka qadka dhexe reer Norway iyo kooxda Real Madrid ee Martin Ødegaard, inta lagu gudi jiro suuqa kala iibisaga ee bishan January.

Martin Ødegaard, oo 22 jir ah, ayaa u dhaqaaqay Real Madrid xagaagii 2015 si uu ugu ciyaaro kooxda heerka labaad, waxaana loo dallacsiiyay kooxda heerka koowaad sanadkii 2017.

Ødegaard ayeey kooxda Real Madrid ugu dirtay qaab amaah ah in ka badan hal koox, iagoo xilli ciyaareedkii la soo dhaafay bandhig fiican ka sameeyay Real Sociedad, taasoo ka dhigtay in Los Blancos ay mar kale dib u soo ceshato.

Laakiin Martin Ødegaard ayaan fursad ka helin kooxdiisa Real Madrid xilli ciyaareedkan, isagoo ka qayb galay kaliya 9 kulan, taasoo ka dhigtay inuu dalbado inuu ka tago kooxda inta lagu gudi jiro bishaan Januray.

Dani Ceballos speaks out on Martin Odegaard after Arsenal transfer link |  Metro News

Wargeyska “Daily Mail” ayaa tilmaamay in Arsenal ay hada wadahadalo kula jirto Real Madrid, si ay heshiis amaah ah kaga qaadato Martin Ødegaard ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Wargeyska wuxuu intaa ku daray in agaasimaha farsamada kooxda Arsenal ee Edu Gaspar, uu arintan kala hadlay Real Madrid usbuucii la soo dhaafay, gaar ahaan codsiyada ciyaaryahanka ee ah inuu baxo si uu u helo daqiiqado badan uu ku ciyaaro.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Arsenal aysan ahayn kooxda kaliya ee xiiseyneysa adeega Martin Ødegaard, ee sidoo kale waxaa xiiseynaya kooxaha Real Sociedad iyo Seville.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close