Burnley oo jabisay rikoorkii garoonka Anfield, kaddib markii ay saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Liverpool… +SAWIRRO

(Liverpool) 22 Jan 2021. Burnley ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Liverpool oo ay ku booqatay garoonkeeda Anfield, kaddib markii ay kaga oo adkaatay 0-1 xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ay isku mari waayeen labada kooxood.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 83-aad kooxda kubadda cagta Burnley ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Ashley Barnes, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 0-1 ay ku hoggaamineysay Burnley.

Ugu dambeyntii dheesha ayaa ku soo dhamaatay 0-1 oo ay Burnley kaga soo adkaatay kooxda Liverpool oo ay ku booqatay garoonka Anfield, Burnley ayaana soo gabagabeysay rikoorkii guuldarro la’aanta 68 kulan Reds ee garoonkeeda.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close