Shaxda rasmiga ah kulanka Kooxaha Juventus iyo Napoli ee Supercoppa Italiana oo la shaaciyey

(Italy) 20 Jan 2021. Shaxda rasmiga ah kulanka Kooxaha Juventus iyo Napoli ee horyaalka Premier League ayaa la shaaciyey.

Xafiiltanka adag ee labada dhinac ee Waqooyiga iyo Koonfurta, Juventus iyo Napoli ayaa ku kulmi doona caawa garoonka Mapei Stadium, kulankii 33-aad ee Supercoppa Italiana.

Iyadoo koobkii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedka doonaysa inay gacanta ku dhigto, kooxda haysata horyaalka Serie A ayaa la ciyaari doonta kooxdii xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay Coppa Italia – ku celiskii final-kii koobkii cajiibka ahaa June ka dhacay Rome.

Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ee ay garoonka ku soo geli doonaan kooxaha Juventus iyo Napoli ee Supercoppa Italiana.

SAFAFKA RASMIGA EE LABADA KOOXOOD HALKAAN HOOSE KA EEG:-

Juventus XI: Szczesny, Cuadrado,  Bonucci, Chiellini, Danilo; McKennie, Bentancur, Arthur, Chiesa, Kulusevski, Ronaldo

Napoli XI: Ospina; Di Lorenzo; Manolas, Koulibaly, Mario Rui; Bakayoko, Demme; Lozano, Zielinski, Insigne; Petagna

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close