Juventus oo ku guuleysatay Super Cup-ka Taliyaaniga kaddib markii ay garaacday Napoli xilli Ronaldo uu rikoor cusub sameeyay

(Italy) 21 Jan 2021. Waxaa goor dhow soo idlaatay ciyaartii kama dambeysta ee koobka Super Cup-ka dalka Taliyaaniga taasoo u dhexeysay kooxaha Juventus iyo Napoli.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo idlaatay barbarro goolal la’aan ah, waxaase markii dib la isugu soo laabtay Juve hoggaanka u dhiibay weeraryahankooda Cristiano Ronaldo kaasoo shabaqa gaaray daqiiqaddii 64-aad isagoo ka dhigay ciyaarta 1-0.

Napoli ayaa rigoore loo dhigay kaddib qalad lagu sameeyay Dries Mertens, balse nasiib darro, waxaa fursaddaas ka lumiyay Lorenzo Insigne oo kubadda hareer mariyay goolka.

Dhammaadkii ciyaarta ayaa Alvaro Morata ciyaarta ka dhigay, isagoo quusiyay rajadii kooxda Macallin Gennaro Gattuso.

Ronaldo ayaa caawa la wareegay rikoorka gool dhalinta taariikhda kubada cagta, waxaana uu hadda diiwaanka ku qortay 760 gool oo heer qaran iyo kooxba isugu jira.

Dhanka kale, Andrea Pirlo ayaa gacanta ku dhigay koobkiisii ugu horreeyay isagoo tababare ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close