Tababare Zidane oo si RASMI ah u shaaciyey liiska 20-ka ciyaaryahan ee Real Madrid uu kala qeyb galayo kulanka Deportivo Alcoyano

(Madrid) 19 Jan 2021. Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa shaaciyay liiska 20-ka ciyaartoy ee uu ku shaqayn doono kulanka habeen dambe tartanka Copa del Rey ay la ciyaari doonaan naadiga Deportivo Alcoyano.

Zinedine Zidane liiska uu magacaabay xiddigihiisa Real Madrid uu ula safrayo kulanka ay barri booqan doonaan kooxda Deportivo Alcoyano waxaa ka soo muuqday Xiddiga reer Belgiam ee Eden Hazard.

Laakiin taasi badelkeeda waxaan liiskan ku soo bixin oo ka maqan 6 ciyaartooy muhiim ah, kuwaasoo kala ah Sergio Ramos, Raphael Varane iyo Rodrygo oo ku maqan sababa la xiriira dhaawac, halka Luka Modric, Dani Carvajal iyo Martin Ødegaard ay ku maqan yihiin sababa farsamo awgood.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ay kala qeyb galayso kulanka Copa del Rey ee Deportivo Alcoyano:-

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close