Muxuu Zlatan Ibrahimovic ka yiri in Kooxda AC Milan ay u dhaqaaqday soo xero gelinta Mario Mandzukic?

(Sardinia) 19 Jan 2021. Weeraryahanka Kooxda kubadda cagta AC Milan ee Zlatan Ibrahimovic ayaa wax laga weydiiyey sida uu u arko in Kooxdiisa ay u dhaqaaqday soo xero gelinta Mario Mandzukic.

Kaddib bandhiggii uu sameeyey kulankii xalay ee Cagliari Zlatan Ibrahimovic ayaa sheegay inuu ku farraxsan yahay in Kooxda AC Milan ay u dhaqaaqday soo xero gelinta Mario Mandzukic.

Xiddiga reer Sweden ayaa labo gool dhaliyey kulankii kooxdiisa Rossoneri ay guul 2-0 ku soo gaartay Sardinia, waxaana kulanka kaddib uu u sheegay Sky Sport Italia inuu ku farraxsan yahay inay kooxdu u dhaqaaqdo Mandzukic.

Ibrahimovic ayaana mar uu arrintaas ka hadlayey yiri: “Aad ayaan ugu farraxsanahay, labo ayaa naga mid ah si aan u cabsi galinno kuwa naga soo horjeeda hadda!”

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close