Muxuu ka yiri Zidane kulanka Deportivo Alcoyano & wararka Real Madrid la xiriirinaya David Alaba??

(Madrid) 19 Jan 2021. Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay kulanka ay kooxdiisu wajaheyso Deportivo Alcoyano tatanka Copa del Rey.

Zinedine Zidane wuxuu ka hadlay mowduucyo kala duwan, wuxuu si cad u eedeeyey qaar ka mid ah ciyaartoyda, wuxuu diray tilmaamo adag oo ku saabsan doorka maamul ee uu hogaaminayo Florentino Perez.

Macalinka reer France ee Zinedine Zidane ayaa yiri:

“Waxaan halkaan u joognaa inaan isku dayno inaan wax ku guuleysano, waan tababaraneynaa oo waxaan isku diyaarineynaa inaan guuleysano kulamada.”

“Berri waxay noo tahay fursad aan ku ciyaarno kulan weyn oo aan markale ku guuleysanno, ciyaartoyda oo dhan waa diyaar marka ay tahay inay ciyaaraan taasna waa wax fiican.”

Intaas kaddib Zinedine Zidane ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya xiddiga kooxda Bayern Munich ee David Alaba wuxuuna yiri:

“Isagu ma ahan ciyaaryahan ka tirsan safkeyga, tababare ahaanna waxaan halkaan u joogaa inaan ka fekero kulanka berry, anigu geli maayo arrimahaas, waxa aan danaynayno waa kulanka berri.”

“Waxaan ognahay waxa ay sameysay kooxda Deportivo Alcoyano, waana ognahay waxa ka dhacaya tartanka, waana inaan diyaar u noqonaa 100% laga bilaabo daqiiqadii ugu horeysay.”

“La soo saxiixashada David Alaba kuma xirna heshiis kordhinta Ramos iyo Vasquez, halkan ayey ku ciyaarayeen waqti dheer, iyagu waa diyaar waxayna diirada saarayaan Real Madrid , inta soo hartana waxay soo muuqan doonaan mustaqbalka.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close