Lionel Messi oo ganaax la dul dhigay kaddib kaarkii roosaha uu qaatay kulankii Athletic Bilbao

(Madrid) 19 Jan 2021. Guddiga Tartamada ee Xiriirka Kubadda Cagta Spain ayaa maanta oo Talaado ah shaaciyay inay ganaax rasmi ah dul dhigeen xiddiga reer Argantina ee iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Lionel Messi ayaa kaarka cas si toos ah u qaatay kaddib markii uu gacan toos ah ku dhuftay xiddig kooxda Athletic Bilbao ee Asier Villalibre, kulankii Final-ka ahaa ee koobka Spanish Super Cup.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday go’aanka guddiga Tartamada ee Xiriirka Kubadda Cagta Spain in Lionel Messi la dul dhigay ganaax labo kulan ah, sababa la xiriira farlkii uu kula kacay xiddig kooxda Athletic Bilbao ee Asier Villalibre.

Fans Hilariously Spot What Lionel Messi Did To Asier Villalibre After Red  Card Incident

Lionel Messi ayaa seegi doona kulanka ay kooxda Cornella kula ciyaari doonaan Copa del Rey habeenka khamiista soo socota, iyo kulanka Elche ee Axada soo socota, kaasoo ka tirsan kulamada Isbuuca 20-aad ee horyaalka La Liga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close