Lionel Messi oo xalay qaatay kaarkii casaanka ahaa ee ugu horreeyey waayihiisa Kooxda Barcelona

(Barcelona) 18 Jan 2021. Weeraryahanka reer Argentine ee Lionel Messi ayaa xalay loo taagay kaarkiisii casaanka ahaa ee ugu horreeyey waayihiisa Kooxda Barcelona.

Haddaba waxaad isweydiin kartaa imise kulan ayuu u ciyaaray Barcelona isagoo aan marnaba loo taagin kaarka guduudan?

Lionel Messi ayaa xalay qaatay kaarkiisii casaanka ahaa ee ugu horreeyey heerkiisa kooxeed, waxaana laga saaray kulankii Final-ka ee Spanish Super Cup oo xalay kooxdiisa laga qaaday.

Waxaa garoonka laga saaray Leo waqtigii dheeriga ahaa ee lagu kordhiyey ciyaarta, kaddib markii uu gacan ku dhuftay Weeraryahanka Athletic Bilbao ee Asier Villalibre, garsoore Jesus Gil Manzano ayaana falkaasi hubiyey isla markaana kaarka casaanka ah wejiga ka saaray Messi.

Yeelkeede, Kooxda Barcelona ayaa Koobka Spanish Super Cup laga qaaday xalay markii ay guuldarro 3-2 kala kulmeen Bilbao.

Leo Messi shown red card in Spanish Super Cup final against Athletic -  AS.com

Kaddib markii uu u ciyaaray 753 kulan tartammada oo dhan, Lionel Messi ayaa loo taagay kaarkiisii casaanka ahaa ee ugu horreeyey waayihiisa Kooxda Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close