Koeman oo ka hadlay guuldarradii ay Barcelona kala kulantay Athletic Bilbao kulankii Final-ka ee Spanish Super Cup

(Barcelona) 18 Jan 2021. Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa xaqiijiyay in guuldaradii kooxdiisa ka soo gaartay finalka Spanish Super Cup ee ay la ciyaarayeen Athletic Bilbao aysan dhabar jab ku aheyn Blaugrana.

Athletic Bilbao ayaa ugu dambeyntii ku guuleysatay koobka Spanish Super Cup, kaddid markii ay kaga adkaatay kooxda Barcelona 2-3, kulan aad u xiiso badan oo ay ku wada ciyaareen garoonka Fir Park.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay tababare Ronald Koeman kaddib ciyaarta waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Guuldaradu ma ahan talaabo dib udhac ah, ku guuleysiga koobka waxay aheyd in lagu muujiyo inaan ku soconay wadada saxda ah, waana soo bandhigi doonaa, waxaan sameynay wax walba si aan u guuleysano.”

Isagoo ka hadlay qa qeyb galka Lionel Messi ee kulanka kaddib markii shaki la galiyay fursada uu kaga qeyb qaadan karo sababa la xiriira dhaawaca soo gaaray dartiis, wuxuuna yiri:

“Sanado badan kaddib wuu ogyahay goorta uu diyaar u yahay inuu ciyaaro, iyo marka uusan diyaar aheyn, sidaas darteed wuxuu go’aansaday inuu ciyaaro wax kale ma jiraan.”

Ugu dambeyntii Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo waxqabadka garsooraha kulanka, wuxuuna yiri:

“Waxaan doorbidayaa inaanan hadlin, waxay noqon doontaa waxyaabo soo noqnoqda mana jecli taas, ma bixin doono ra’ayi.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close