Man City oo qarash-gareynaysa 200 oo milyan oo gini… (Haaland oo hoggaaminaya xiddigaha ay suuqa ka doonayso)

(Manchester) 17 Jan 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la soo warinayaa in suuqa ku qarash-gareyn doonto 200 oo milyan oo gini, waxaana xiddigaha ay doonayso ka mid ah Haaland iyo Lukaku.

Xiddiga kooxda Benfica ee Nunez ayaa sidoo kale ka mid ah ciyaartoyda ay Man City suuqa ka bartilmaameedsanayso.

Tababare Pep Guardiola ayaa la siin doonaa gacan ku haynta maalgashiga kooxda Manchester City xagaagan.

Jariiradda The Telegraph ayaa warinaya in macallin Pep loo gacan gelin doono 200 milyan oo gini oo uu suuqa ku qarash-gareeyo isla markaana uu kula soo wareego xiddigo cusub suuqa kala iibsiga xiddigaha ee soo aaddan.

Man City ayaa durbaba la soo wareegtay daafacyo cusub dhowaan, waxaana ay raadinaysaa xagaaga inay xoojiso dhinacyada kale sida weerarka iyo khadka dhexe, iyadoo Erling Haaland iyo Romelu Lukaku ay ku jiraan liiska bartilmaameedyadooda.

Kooxda Manchester City waxay sidoo kale indhaha ku haysaa saxiixa xiddiga Naadiga Benfica ee Darwin Nunez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close