Man City oo garoonkeeda Etihad guul weyn kaga gaartay kooxda Crystal Palace… +SAWIRRO

(Manchester) 17 Jan 2021. Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Crystal Palace, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala natsay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Daqiiqadii 26-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay John Stones, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Kevin De Bruyne

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

57 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Ilkay Gundogan ayaa ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 68-aad Manchester City ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta waxaana 3-0 ka dhigay John Stones.

88 daqiiqo Raheem Sterling ayaa dheesha kadhigay 4-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 4-0 oo ay Manchester City kaga adkaatay kooxda Crystal Palace oo marti ugu aheyd garoonka Etihad, Sky Blu ayaa booska labaad ka soo fariisatay kala sareynta horyaalka Premier League, iyaga oo leh 35 dhibcood.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close