Kooxda AC Milan oo xaqiijisay in labo ka mid ah xiddigeheeda muhiimka ah laga helay Korona Fayras

(Milan) 17 Jan 2021. Kooxda kubadda cagta AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in labo ka mid ah xiddigeheeda muhiimka ah uu haleelay caabuqa saf mareenka ah ee Korona Fayras.

AC Milan waxa ay xaqiijisay in Hakan Çalhanoğlu iyo Theo Hernández laga helay Korona Fayras kaddib baaritaankii ugu dambeeyey oo lagu sameeyey.

Labadaan ciyaaryahan ayaa tababarka ka qeyb qaadan Jimcihii sababo la xiriira in loo diray baaritaan la xiriira KOFID, laakiin tijaabadii lagu sameeyey Sabtidii ayaa lagu ogaaday in labaduba ay qabaan Korona Fayras.

“AC Milan waxay ku dhawaaqaysaa tijaabada molecular ee lagu sameeyey Hakan Çalhanoğlu iyo Theo Hernández si wanaagsan ay u qabsoomeen lagana helay Korona Fayras, Kooxda inteeda kale tijaabada waa ay mareen waana laga waayey caabuqa.

“Labada ciyaaryahan ayaa karaantiil ku geli doona gurigooda, dhammaan xiddigaha kale iyo shaqaalkaha kooxda ayaana sii wadi doona inay la socdaan xaaladdooda oo kormeer la marsiiyo si waafaqsan baratakoolka xanuunkan” ayuu u dhignaa bayaan ka soo baxay Kooxda AC Milan.

Kooxda AC Milan ayaa wajihi doonta Cagliari Isniinta kulan ka dhici doona Sardegna Arena.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close