Inter Milan oo garoonkeeda Giuseppe Meazza ku garaacday kooxda Juventus… +SAWIRRO

(Milano) 18 Jan 2021. Inter Milan ayaa garoonkeeda Giuseppe Meazza ku garaacday kooxda Juventus kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0 kulankii adkaa ee Derby d’Italia, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada Toddobaadkan ee horyaalka Talyaaniga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hor kaceysay kooxda Inter Milan.

Daqiiqadii 12-aad Inter Milan ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Arturo Vidal, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Nicolo Barella.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

52 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Inter Milan ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee dheesha kaddib markii uu 2-0 ka dhigay xiddigooda Nicolo Barella, waxaana caawinta goolkan lahaa Alessandro Bastoni.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 oo ay Inter Milan kaga adkaatay kooxda Juventus oo marti ku aheyd garoonka Giuseppe Meazza, Inter ayaa haatan fadhisa booska labaad ee dhanka kala sareynta horyaalka waxayna ku dhibco tahay hoggaamiyaasha AC Milan iyagoo wada leh min 40 dhibcood.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close