Horudhac: Inter Milan vs Juventus… (Wax waliba oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaato kulanka caawa ee Derby d’Italia)

(Milan) 17 Jan 2021. Kulan weyn oo horyaalka Serie A ayuu marti gelin doonaa caawa garoonka Giuseppe Meazza, waxaana uu dhexmari doonaa Inter Milan iyo Juventus.

Kulankan oo loo yaqaano Derby d’Italia  ayaa noqonaya midkii 175-aad ee labadan kooxood ku dhexmara horyaalka, iyadoo Inter Milan ay soo dhoweynayso kooxda xafidanaysa horyaalka ee Juve.

Kooxda difaacanaysa horyaalka Serie A ayaa booqanaya naadiga uu hoggaamiyo macallin Antonio Conte oo ku jirta kaalinta labaad, isla markaana afar dhibcood ka sarreeya kooxda martida ah ee Juve, iyadoo marwada duqda ay kulan baaqi ah gacanta ku haysato.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Italy – Serie A

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:45 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: Giuseppe Meazza

Garsooraha: Daniele Doveri (Italy)

Wararka kooxaha:-

Lama filayo in Inter ay wax isbedel ah ku sameyso shaxdeeda kulanka ay caawa ka horjeeddoo kooxda Juventus.

Danilo D’Ambrosio, Andrea Pinamonti iyo Matías Vecino ayaa la filayaa inay dhaawacyo uga maqnaan doonaan kulankan kooxda martida loo yahay ee Inter Milan.

Álvaro Morata ayaa dib ugu soo laaban doona safka hore ee Kooxda Juventus, maadaama uu dhaawac yahay Paulo Dybala.

Giorgio Chiellini ayaa sidoo kale ku soo bilaaban doona safka hore isagoo daafaca ka bedeli doona Matthijs de Ligt, kaasoo ku jira karaantiil ku aaddan Korona Fayras.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Inter Milan ayaa guuleysatay shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ku ciyaartay garoonkeeda horyaalka Serie A.

>- Kooxda Juventus ayaa dhalisay ugu yaraan saddex gool saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda horyaalka Serie A.

>- Inter Milan ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool siddeed ka mid ah tobankeedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Serie A.

>- Juventus ayaan la garaacin ama guuldarro la kulmin 15 ka mid ah 16-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Serie A.

>- Kooxda Juventus ayaan laga adkaanin siddeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaartay Inter Milan tartammada oo dhan.

>- Inter Milan ayaa laga dhaliyey ugu yaraan labo gool saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Serie A.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close