Horudhac: Barcelona vs Athletic Bilbao… (Final-ka Spanish Super Cup Tababare Koeman oo indhaha ku haya Koobkiisii ugu horreeyey ee Blaugrana)

(Seville) 17 Jan 2021. Kooxaha Barcelona iyo Athletic Bilbao ayaa caawa isku qabanaya Final-ka Spanish Super Cup, iyadoo Tababare Ronald Koeman uu indhaha ku hayo inuu koobkiisii ugu horreeyey u gacan geliyo Blaugrana.

The Catalans ayaa u baahatay gool ku laadyo si ay semi-finalkii tartankan uga soo gudbaan Real Sociedad, kaddib markii kulankoodu ku dhammaaday 1-1 markii ay ciyaareen 120 daqiiqo geesiga Barcelona kulankaasna waxa uu ahaa goolhaye Marc-Andre ter Stegen.

Dhinaca kale Athletic Bilbao ayaa soo garaacday guuleysataasha sanadkii hore ee Real Madrid, waxaana ay uga adkaadeen 2-1.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – Super Cup

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: Jesus Gil (Spain)

Garsooraha: Estadio de La Cartuja

Wararka kooxaha:-

Lionel Messi ayaa seegay kulankii semi-finalka ee Real Sociedad sababo la xiriira dhibaato dhanka muruqa ah, waxaana la sugayaa in weeraryahanka reer Argentina uu taam u noqon doono inuu ciyaaro kulanka caawa.

Catalans waxaa ka maqan caawa, Gerard Pique, Sergi Roberto, Ansu Fati iyo Philippe Coutinho.

Dhinaca kale Athletic waxaa ka maqan Yuri Berchiche, Peru Nolaskoain iyo Unai Lopez.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Kani waxa uu noqon doonaa kulankii 230-aad ee rasmi ah oo dhexmara kooxaha Athletic Bilbao iyo Barcelona, kooxda Bilbao ayaa guuleystay 76 kulan 229-kii kulan ee hore, halka Barca ay adkaatay 116 kulan, iyagoo labada dhinac ay barbaro galeen 38 kulan.

>- Lixdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay wada ciyaaraan labada koox tartammada oo dhan waxaa ka mid ahaa in labada koox ee Barcelona iyo Athletic Bilbao ay min labo guul soo hooyeen, labada soo hartayna ay barbaro galeen.

>- Barcelona waa kooxda ugu guulaha badan taariikhda Supercopa de Espana, Blaugrana ayaa kor u qaaday koobka 13 jeer oo hore, guushoodii ugu dambeysayna waxay ahayd 2018-kii. Athletic Bilbao ayaa dhanka kale waxay ku guuleysatay koobka labo jeer, markii ugu dambeysay oo ay Bilbao qaado koobkan waxay ahayd 2015.

>- Marcelino ayaa ka hor yimid Barcelona 22 jeer xirfaddiisa tababarennimo illaa iyo haatan, si kastaba ha noqotee wuxuu ku hoggaamiyay kooxdiisa hal guul kaliya (6 barbaro iyo 15 guuldarro ayuuna qaatay).

>- Barcelona ayaan laga badinin sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay tartammada oo dhan, waxay ilaashadeen shabaqooda afar kulan intii lagu gudajiray muddadaas.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Barcelona (4-3-3): ter Stegen; Dest, Araujo, Lenglet, Alba; Pedri, Busquets, de Jong; Dembele, Messi, Griezmann.

Athletic Bilbao (4-4-2): Simon; Capa, Nunez, Martinez, Balenziaga; de Marcos, Vencedor, Dani Garcia, Muniain; Williams, Raul Garcia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close