Athletic Bilbao oo ku guuleysatay koobka Spanish Super Cup, kaddid markii ay ka adkaatay Barcelona… +SAWIRRO

(Spain) 18 Jan 2021. Athletic Bilbao ayaa ugu dambeyntii ku guuleysatay koobka Spanish Super Cup, kaddid markii ay kaga adkaatay kooxda Barcelona 2-3, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Fir Park.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Barcelona iyo Athletic Bilbao ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 40-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Antoine Griezmann.

Laakiin isla 42 daqiiqo mar ay ciyaartu mareysay Athletic Bilbao ayaa heshay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Oscar de Marcos, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Inaki Williams.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 77-aad Barcelona ayaa markale hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 2-1 ka dhigay Antoine Griezmann, iyadoo uu caawinta goolkan lahaa Jordi Alba.

Daqiiqadii 90-aad kooxda Athletic Bilbao ayaa la timid goolka barbardhaca kaddib markii uu 2-2 ka dhigay dheesha xiddigooda Asier Villalibre, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Iker Muniain.

90-ka daqiiqo ee ciyaarta loogu talagalay ayaa ku soo gabagabooway barbardhac 2-2 ah oo ay isku mari waayeen labada koooxood Barcelona iyo Athletic Bilbao, waxaana loo baahday 30 daqiiqo oo dheeri si loo go’aamiyo kooxda ku guuleysaneysa koobka.

Daqiiqadii 94-aad kaadib waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray Athletic Bilbao ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 2-3 ka dhigay Inaki Williams, xilli caawinta goolkan uu lahaa Iker Muniain.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-3 oo ay Athletic Bilbao kaga adkaayay kooxda Barcelona, Athletic ayaana ugu dambeyntii sidaas ugu guuleysatay koobka Spanish Super Cup.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close