Waa kuwee Afarta Kooxood ee indhaha ku haya saxiixa xiddiga Arsenal ee Lucas Torreira??

(London) 14 Jan 2021. Sida wararku ay sheegayaan afar kooxood ayaa indhaha ku haya saxiixa xiddiga Naadiga Arsenal ee Lucas Torreira.

Jariiradda AS ee ka soo baxda dalka Spain ayaa warinaya in afar kooxood ay doonayaan saxiixa laacibka khadka dhexe ee kooxda Arsenal, Lucas Torreira.

Kooxaha Torino, Fiorentina, Lazio iyo Valencia ayaa dhammaantood doonaya inay bishaan la soo wareegaan ciyaaryahanka reer Uruguay, iyadoo amaahdiisa haatan uu ku joogo Naadiga Atletico Madrid la soo afjari doono.

Torreira ayaa ku dhibtooday inuu garoonka Wanda Metropolitano ka helo daqiiqo badan oo uu ku ciyaaro, Arsenal ayaana u diri kara koox kale illaa dhammaadka xilli ciyaareedkaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close