Kooxda Arsenal oo xiiseynaysa saxiixa goolhayaha Barcelona… (Miyaa la dirayaa Bernd Leno?)

(London) 14 Jan 2021. Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Arsenal ee ka dhisan Ingiriiska ayaa xiiseynaysa saxiixa Goolhayaha Naadiga Barcelona ee Neto.

Shabaq ilaaliyahan reer Brazil ee Neto ayay Kooxda reer London doonaysaa inuu tartan geliyo goolhayahooda Bernd Leno.

Shabakadda ciyaaraha ee Sky Sports ayaa warinaysa in Kooxda Arsenal ay qorsheynayso haatan inay u dhaqaaqo soo xero gelinta goolhayaha Barcelona ee Neto.

Gunners ayaa raadinaysa inay cusbooneysiiso booska goolhayaha bedelka ah ee Runar Alex Runarsson, kaasoo dhibtoonayay tan iyo markii uu ku soo biiray suuqii xagaaga.

Si kastaba ha noqtee, Kooxda Arsenal ayaa haatan ku rajo weyn inay Goolhaye Neto ku soo qaadato qaab amaah ah, iyadoo heshiiska ku daraysa inay si joogto ah u wada iibsato xagaaga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close