Kooxda AC Milan oo la kulantay Wakiilka Weeraryahan ay doonayso inay dib ugu soo celiso dalka Talyaaniga

(Milan) 14 Jan 2021. Wararku waxa ay sheegayaan maanta in Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa 24-ka saac ee la soo dhaafay la kulantay Wakiilka Weeraryahan weyn, kaasoo ay doonayso inay dib ugu soo celiso dalka Talyaaniga.

Talyaaniga wararka ka soo baxaya waxa ay warinayaan in Kooxda AC Milan ay la kulantay Wakiilka Weeraryahan Mario Mandzukic 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Weeraryahankan halyeyga ah ayaa beeca xorta ahaa kaddib markii uu ka tagay kooxda ka dhisan dalka Qatar ee Al-Duhail bishii July ee 2020.

Mandzukic agrees to not train until transfer solution found - AS.com

Mandzukic ayaa qarka u saaran inuu si deg deg dib ugu soo laabto dalka Talyaaniga kaddib markii uu u ciyaaray kooxda Juventus laga soo bilaabo sanadkii 2015-kii illaa 2020.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close