Arsenal oo garoonkeeda Emirates barbardhac kula dhaafi weysay kooxda Crystal Palace…+SAWIRRO

(London) 15 Jan 2021. Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates barbardhac kula dhaafi weysay kooxda Crystal Palace, kaddib markii ay ku kala baxeen 0-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada Premier League ee dalka England.
Qeybta hore ee ciyaarta labada kooxood ee Arsenal iyo Crystal Palace ayaa waxay ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbardhac 0-0 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Arsenal iyo Crystal Palace, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Emirates.
SAWIRRO:
Gool FM.