Kooxda Barcelona oo doonaysa inay Sergio Aguero dib ugu soo celiso dalka Spain

(Barcelona) 13 Jan 2021. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa bartilmaameedsanaysa inay Aguero beeca xorta ah ku soo qaadatay, kaasoo ku jira lixdii bilood ee ugu dambeeyey heshiiskiisa Manchester City.

Sida wararku ay sheegayaan Barcelona ayaa indhaha ku haysa inay u dhaqaaqso soo xero gelinta Weeraryahanka Kooxda Manchester City ee Sergio Aguero, iyagoo doonaya inay dib ugu soo celiyaan horyaalka La Liga.

Xiddiga reer Argentine ayaa guda galay lixdiisii bilood ee ugu dambeysay ee garoonka Etihad, waxaana uu weli sugayaa in kooxda ka dheesha horyaalka Premier League ay u soo bandhigto heshiis kordhin cusub.

Si kastaba ha noqotee, heerka qandaraaskiisa haatan wuxuu la micno yahay inuu xor u yahay inuu la xaajoodo kooxo ajnabi ah bishaan, sida uu warinayo Wargeyska The Sun taasi waxay heegan gelisay kooxda Tababare Ronald Koeman, kuwaasoo doonaya inay ku soo celiyaan horyaalka LaLiga weeraryahankii hore ee Atletico Madrid.

Macallinka reer Holland ayaa isku dayay dhowr fursadood oo weerarka ah xilli ciyaareedkan kaddib bixitaankii Luis Suarez, markaanna waxa uu tijaabin doonaa Aguero oo ay saaxiib dhow yihiin kabtanka Kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close