Barcelona oo iska xaadirisay finalka Spanish Super Cup kaddib markii ay ka soo gudubtay kooxda Real Sociedad… +SAWIRRO

(Spain) 14 Jan 2021. Barcelona ayaa iska xaadirisay finalka Spanish Super Cup-ka kaddib markii ay kaga soo gudubtay kooxda Real Sociedad rigoorooyin 2-3 ah, xilli 90-kii daqiiqo ee ciyaarta ay ku soo idlaatay barbardhac 1-1 ah.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaaminey kooxda martida aheyd ee Barcelona.

Daqiiqadii 39-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Frenkie de Jong oo caawin ka helay saaxiibkiis Antoine Griezmann.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

51 daqiiqo marka ay ciyaartu mareysay kooxda Real Sociedad ayaa la timid goolka barbardhaca, kaddib markii loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay xiddigooda Mikel Oyarzabal, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay barbardhac 1-1 ah.

90-ka daqiiqo ee ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay barbardhac 1-1 ah, waxaana lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah, si labada kooxood midkood uu u jarto tikirta finalka ee tartanka Spanish Super Cup-ka.

Ugu dambeyntii Barcelona ayaa iska xaadirisay finalka Spanish Super Cup-ka kaddib markii ay kaga soo gudubtay kooxda Real Sociedad rigoorooyin 2-3 ah, waxayna Barca sugi doontaa kooxdii soo adkaata Real Madrid iyo Athletic Bilbao.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close