Shaxda rasmiga ah ee Burnley iyo Man United oo la shaaciyey… (Red Devils oo la wareegi karta caawa hoggaanka horyaalka Premier League)

(Burnley) 12 Jan 2021. Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ah ee ay garoonka ku soo geli doonaan kooxaha Burnley iyo Manchester United ciyaar qeyb ka ah horyaalka Premier League.

Red Devils haddii ay caawa ka fogaato guuldarro ka soo gaartay naadiga ay martida u tahay ee Burnley, waxa ay ka sare mari doontaa Kooxda Liverpool oo haatan hoggaanka u haysa horyaalka horyaalka Premier League.

Kooxda uu hoggaamiyo macallin Ole Gunnar Solskjaer ayaa haatan ku jirta kaalinta labaad ee kala sarrenta horyaalka, waxaana ay min 33-dhibcood la wadaagaan hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Reds, halka Burnley ay ku jirto booska 16-aad, iyadoo 16-dhibcood ka uruusatay 15-keedii kulan ee ay ka ciyaartay horyaalka fasal ciyaareedkan 2020-21.

Macallin Ole Gunnar Solskjaer ayaa safkiisa hore ku soo wada bilaabay Pogba, Fernandes, Rashford, Cavani iyo Martial.

Haddaba halkaan hoose ka eeg safafka rasmiga ah ee ay garoonka ku soo geli doonaan kooxaha Burnley iyo Man United oo dhammaystiran:-

Burnley XI: Pope, Lowton, Tarkowski, Mee, Pieters, Gudmundsson, Westwood, Brownhill, Brady, Wood, Barnes.

Keydka Burnley: Norris, Long, Cork, McNeil, Bardsley, Rodriguez, Stephens, Vydra, Benson.

Manchester United XI: De Gea, Wan-Bissaka, Bailly, Maguire, Shaw, Matic, Pogba, Fernandes, Rashford, Cavani, Martial.

Keydka Man Utd: Henderson, Telles, Tuanzebe, Fred, James, Mata, McTominay, Van de Beek, Greenwood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close