RASMI: Isku aadka wareegga shanaad ee tartanka FA Cup-ka oo la sameeyey… (Jose Mourinho iyo Carlo Ancelotti oo isku aadi kara)

(England) 12 Jan 2021. Waxaa la sameeyey isku aadka wareegga shanaad ee tartanka FA Cup-ka, iyadoo Macallimiinta Jose Mourinho iyo Carlo Ancelotti ay isku aadi karaan.

Wareegga afaraad ayaa kulamo adag ay ka soo baxeen ka hor inta aan la gaarin isku aadka waregga shanaad ee tartankan FA Cup-ka, waxaana labada kooxood ee ugu guulaha badan horyaalka Premier League ee Manchester United iyo Liverpool, balse kooxdii u soo gudubta wareegga shanaad ayaa ku aadi doonta kooxdii soo adkaata West Ham iyo Docaster oo iyaguna isku dhacay.

Kooxda Chelsea oo la ciyaareysa Luton Town ayaa markale nasiibkeedu sii wanaagsanaaday, waxaana ay la ciyaareysaa wareegga shanaad kooxdii soo aadkaata Norwich iyo Barnsley.

Tottenham oo wareegga afaraad ku aadday Wycombe ayaa wareegga shanaad ku aadi doonta Everton ama Norwich City, waxaana iska hor iman kara labada tababare ee Jose Mourinho iyo Carlo Ancelotti.

Kulammada wareegga shanaad ee tartanka FA Cup-ka ayaa la ciyaari doonaa maalin Arbaco ah 10 bisha Febraayo.

Haddaba halkaan hoose ka eeg isku aadka wareegga shanaad ee tartanka FA Cup-ka oo dhammaystiran:-

Fulham/Burnley vs Bournemouth/Crawley

Man Utd/Liverpool vs Stockport County/West Ham ama Doncaster

Sheffield Utd/Plymouth vs Millwall/Bristol City

Chorley/Wolves vs Southampton/Shrewsbury/Arsenal

Barnsley/Norwich vs Chelsea/Luton

Everton/Sheffield Wednesday vs Wycombe/Tottenham

Swansea/Nottingham Forest vs Cheltenham/Man City

Brentford/ Leicester vs Brighton/Blackpool

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close